Muqdisho (Dawan ) – Hoggaanka Howlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjireyaal iyo wakiillo ka socday waddamada ciidanka iyo booliiska ka wada jooga gudaha Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, kuwaas oo ah dalalka bixiya ciidamada iyo booliiska (T/PCCs) ee taageera AUSSOM. Dalalkan ayaa siiya howlgalka ciidamada milatari, kooxo taageero farsamo ah, iyo saraakiil booliis kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Kulanka waxaa guddoomiyay El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee AUSSOM, waxaana la socday Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah Mukhtar Osman Kaire, Taliyaha Ciidanka AUSSOM Sam Kavuma, Taliyaha Booliiska Hillary Sao Kanu, iyo saraakiil kale oo sare.
AUSSOM ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray isku-duwidda howlgalka iyo dib-u-eegista horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.
“Wakiillada goobta joogay waxaa lagu amaanay dadaalkooda Pan-Africanism-ka iyo sida ay uga go’an tahay nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay AUSSOM ku baahisay baraha bulshada.
Sida lagu sheegay bayaanka AUSSOM,Diene ayaa ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono wakiillada dalalka T/PCCs, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan howlgalka.
Lama shaacin wax faahfaahin ah oo ku saabsan isbeddelada suurtagalka ah ee la xiriira joogitaanka ciidamada ama qorshayaal cusub oo howlgaleed.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo AUSSOM uu si tartiib tartiib ah u beddelayo howlgalka ATMIS, taas oo qeyb ka ah istiraatiijiyad cusub oo Midowga Afrika uu ku doonayo in uu diiradda saaro dowlad-dhisidda Soomaaliya, amni qaran, iyo howlgallo bartilmaameed leh oo xasilin ah.
Waxaa qoray Dawan Desk - Reporter
Maqaallo la xidhiidha
Maqaallo La Xidhiidha
Maxay Dowladdu la tagtay wadahalladii mucaaradka ee Xalane?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Soomaaliya oo bilowday kormeerka ilaalinta xogta ee Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ah
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Sidee Soomaaliya uga falcelisay qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →


