Soomaaliya, 5 Oktoobar 2025 – Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Godka Jilicow, xabsiga ay maamusho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee magaalada Muqdisho.
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa weerarka ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasiloonida Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
“Weerarkan fulaynimada ah wuxuu muujinayaa ujeedada keliya ee Al-Shabaab — inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay tustay sida ay uga maran yihiin naxariista iyo ixtiraamka nolosha aadanaha,” ayuu yiri Danjire Diene.
AUSSOM ayaa ammaanay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya dadaalkooda ay kaga hortageen weerarka, taas oo yareysay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed. Sidoo kale, howlgalka ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka dadaalkooda iyo xirfaddooda ay ku daryeelayeen dadka dhaawacmay.
Danjire Diene ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna u rajeeyay dhaawacyada caafimaad degdeg ah.
AUSSOM ayaa xaqiijisay go’aankeeda ah inay si dhow ula shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Ammaanka ee dalka, si wadajir ahna loola dagaallamo Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan.



