Baydhabo (Dawan) – Booliska Soomaaliya ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada Baydhabo xilliyada habeenkii, marka laga reebo ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, iyadoo la adkeynayo ammaanka kadib isbeddelladii dhowaan ka dhacay Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan uu la qaatay saraakiisha ciidanka booliska ee ku sugan magaalada Baydhabo ku faray in si degdeg ah loo adkeeyo ammaanka guud ee magaalada.
Kulanka, oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka kala socotay heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Baydhabo kadib isbeddelladii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in habeenkii aan magaalada lagu dhex qaadan karin hub, marka laga reebo ciidamada ammaanka sida Booliska iyo hay’adaha nabadsugidda. Wuxuu sidoo kale faray in la kordhiyo roondooyinka habeenkii, lana xoojiyo baaritaannada laga sameynayo baraha laga soo galo magaalada.


