Burco (Dawan ) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Ibraahim Axmed Cismaan, oo lagu eedeeyay inuu dil u geystay xaaskiisa Marxuumad Shamsa Caydiid Yuusuf.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay xaafadda Nafaqo ee magaalada Burco, sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
" Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ibraahim Axmed Cismaan oo ku eedaysan in uu dil u geystay xaaskiisii Marxuumad Shamsa Caydiid Yuusuf" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.
Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha lagu qabtay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Togdheer, gaar ahaan Saldhigga Maxamed Cali.


