Muqdisho (Dawan)- Muqdisho ayaa martigelisay shir diiradda lagu saaray mideynta xogaha dhaqaalaha qaranka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee mas’uulka ka ah ururinta, diyaarinta iyo falanqaynta xogta dhaqaalaha Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda, kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo hannaan wada-shaqeyn oo mideeya hay’adaha ururiya xogta dhaqaalaha, si dalka looga helo macluumaad sax ah, isku waafaqsan, isla markaana waqtigiisa lagu soo saaro. Xogtan ayaa muhiim u ah qorsheynta dhaqaalaha, qiimeynta xaaladda dhaqaale ee dalka iyo go’aan-qaadashada dowladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Suleymaan Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay tahay in la isu geeyo awoodda iyo khibradda hay’adaha dhaqaalaha, si loo helo xog qaran oo mideysan oo lagu kalsoonaan karo. Wuxuu xusay in xogta dhaqaalaha Soomaaliya ay ku kala baahsan tahay hay’adaha dowladda iyo qaybaha gaarka loo leeyahay, taas oo abuurtay baahi loo qabo hannaan mideeya xogaha laga soo ururiyo ilaha kala duwan.
"Haddii aan xogta la isku keenin, waxaa dhacaysa in warbixinno kala duwan oo is-khilaafsan ay soo baxaan. Si looga fogaado arrintaas, dadkii ka shaqeynayay hawlahan, kuwaas oo markii horeba aqoon ahaan isku xirnaa, ayaa hadda la isku keenay," ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Afar hay’adood oo door muhiim ah ku leh nidaamka xogta dhaqaalaha