Dhuusamareeb (Dawan) – Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Jimcihii hay’adaha amniga Galmudug ku wareejiyay gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo uu si gaar ah u lahaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.
Agabkan, oo sida bayaanka lagu sheegay hore loogu adeegsan jiray hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, ayaa hadda loo aqoonsaday hanti ay leedahay dowlad-goboleedka, wuxuuna ka mid ahaan doonaa agabka hay’adaha amniga xitaa marka uu dhammaado muddo-xileedka hoggaamiyaha. Bayaanka laguma sheegin tirada gaadiidka iyo hubka la wareejiyay.
Munaasabadda wareejinta, oo dhacday maalin kaddib caleema-saarka hoggaamiyaha cusub, waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay in awoodda iyo agabka amnigu ay gacanta ugu jiraan hay’adaha dowladda ee sharcigu awoodda u siiyay, halkii ay ahaan lahaayeen hanti gaar ah oo ay leeyihiin shakhsiyaad, ganacsato ama siyaasiyiin,” ayuu yiri Liibaan Axmed Xasan.