Muqdisho (Dawan)– Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay tababar lagu xoojinayo awoodda qorsheynta hay’adaha Dowlad Goboleedyada, si qorshayaashooda horumarineed ay ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soconaya labada maalmood ee 7-da iyo 8-da November, waxaana ka qeybgalaya wakiillo ka socda Dowlad Goboleedyada dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa is-waafajinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heerarka kala duwan.