Addis Ababa (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Jimcihii xisbiyada siyaasadda ugu baaqay inay ka gudbaan tartanka doorashada, kuna heshiiyaan mudnaanta fog ee qaranka, isagoo ka hadlayay shirka labaad ee xisbiyada siyaasadda Afrika oo ka socda Addis Ababa.
“Tani waxay u baahan tahay in xisbiyadu ay ka fikiraan wax ka fog tartanka doorashada, ay ku heshiiyaan mudnaanta fog ee qaranka ee ka sarreysa isbeddelka dowladaha, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta qaranka,” ayuu Abiy ku qoray bartiisa X.
Abiy ayaa sheegay in loo baahan yahay in xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaradku ay heshiis guud ka gaaraan himilooyinka fog ee qaranka, sida uu tebiyay Telefishinka Dowlad-deegaanka Soomaalida ee SRTV.