Jabuuti (Dawan) – Laba hay’adood oo dowladda Jabuuti ah ayaa Khamiistii heshiis iskaashi ku saxiixday nadiifinta bullaacadaha biyaha roobka ee qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ADI.
Heshiiska ayaa dhex maray Xafiiska Qaranka ee Biyaha iyo Bullaacadaha (ONEAD) iyo Hay’adda Dib-u-dhiska Magaalada iyo Guryaha Bulshada (ARULoS). Waxaa saxiixay agaasimayaasha guud ee labada hay’adood, Maxamed Fu’aad Cabdo oo ka socday ONEAD iyo Cabdiraxmaan Cali Axmed oo ka socday ARULoS, sida ay ADI sheegtay.