Muqdisho (Dawan) – Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa Sabtidan loo dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, xilli uu muran siyaasadeed iyo sharci ka taagan yahay go’aan ay soo saareen garsoorayaal ka tirsan maxkamadda oo la xiriira muddo-xileedka dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta, ayaa guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu waajibaadkiisa dastuuriga ah u guto si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka.
Dhaarinta guddoomiyaha cusub ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.