Jowhar (Dawan)- Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay 30-ka Sebteembar codkooda siiyaan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Guudlaawe ayaa axadii baaqan ka jeediyey isu-soo-bax ay sameeyeen taageerayaasha JSP, isaga oo shacabka ku nool degmooyinka Hirshabeelle ka codsaday inay maalinta doorashada u soo baxaan goobaha codbixinta.
Wuxuu shacabka xusuusiyey in JSP uu ku tartamayo lambarka 15, astaantiisuna tahay shimbirta cagaaran, isaga oo taageerayaasha ku boorriyey inay codkooda ku garab istaagaan xisbiga iyo hankiisa siyaasadeed.
“Xisbiga JSP u codeeya, xisbiga JSP u hiiliya, anigana ii hiiliya,” ayuu yiri Guudlaawe.