Muqdisho (Dawan) – Dilek Somalia ayaa sheegtay inay ka gudubtay caqabado la xiriiray hirgelinta fikrad ganacsi oo cusub, la-qabsiga dhadhanka bulshada iyo helitaanka shaqaale xirfad leh, iyadoo maanta noqotay goob caan ku ah cunnada Turkiga, adeegga casriga ah iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wareysi gaar ah oo ay siisay Podcast Irmaan, ayay Maareeyaha Dilek Somalia, Naciima Faarax Cabdi., ku sheegtay in safarka shirkaddu uusan ahayn mid sahlan, isla markaana markii la bilaabayay fikradda maqaayadda ay jireen su’aalo badan oo ku saabsan sida bulshada Soomaaliyeed u qaabili doonto cuntooyin iyo adeegyo ku cusub suuqa.
Waxay sheegtay in milkiilayaasha iyo maamulka shirkaddu ay doonayeen inay Soomaaliya ka hirgeliyaan maqaayad leh adeeg dhammaystiran, iyagoo qorsheynayay in xirfadlayaasha ugu muhiimsan ay noqdaan Soomaali. Hase yeeshee, maadaama aan la helin shaqaale ku filan oo leh khibraddii loo baahnaa, waxay go’aansadeen inay dalka keenaan waayo-aragnimo maqaayadeed oo la mid ah tan laga helo Turkiga, iyagoo isla markaana ilaalinaya dhaqanka, dhadhanka iyo baahida macaamiisha Soomaaliyeed.
Naciima ayaa sheegtay in hadafka shirkaddu aanu ku koobnayn iibinta cunto oo keliya, balse uu yahay in la abuuro goob ay bulshada ka hesho adeeg tayo leh, halka dhallinyaraduna ay ka helaan shaqo iyo waayo-aragnimo.
Waxay tilmaantay in mid ka mid ah caqabadihii ugu horreeyay ee Dilek Somalia la kulantay uu ahaa sidii bulshada loo bari lahaa cuntooyinka Turkiga. Macaamiil badan ayaa horey ula qabsaday cuntooyinka Soomaalida iyo kuwa caanka ka ah maqaayadaha Muqdisho, taasoo ka dhigtay in soo bandhigista cuntooyin cusub ay u baahato in maamulka shirkaddu si qoto dheer u fahmo waxa ay macaamiishu jecel yihiin iyo sida cunnada Turkiga loogu waafajin karo dhadhanka Soomaalida.
Sida ay Naciima ku sheegtay wareysiga Podcast Irmaan, bulshada qaarkeed ayaa markii hore ka labalabeysay tijaabinta cuntooyinka cusub, balse markii dambe si tartiib tartiib ah ayay ula qabsadeen. Arrintaas waxaa fududeeyay Soomaali badan oo wax ku soo bartay ama muddo ku noolaa Turkiga, kuwaas oo horey aqoon ugu lahaa cunnada iyo dhaqanka Turkiga.
Dilek Somalia ayaa sidoo kale suuqa kusoo kordhisay quraacda Turkiga, macmacaanka iyo cuntooyin kale oo aan markii hore si weyn looga heli jirin Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood noqday kuwo ay macaamiishu si joogto ah u dalbadaan.
Naciima ayaa sheegtay in guulaha ugu waaweyn ee shirkaddu ay ka mid tahay xiisaha ay dhallinyaradu u muujiyeen fursadaha shaqo ee Dilek Somalia. Waxay xustay in markii la shaaciyay shaqooyinka bannaan ay ku dhowaad 6,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed soo dalbadeen, taasoo muujinaysa heerka baahida shaqo ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan dhallinyarada waxbartay ee raadinaya fursado ay ku muujiyaan xirfadahooda.
Waxay intaas ku dartay in shaqaaleysiintu aysan ahayn mid qofka si fudud loogu qaato, balse musharraxiinta la marsiiyay wareysiyo iyo marxalado kala duwan oo lagu qiimeynayay aqoontooda, khibraddooda, anshaxa shaqada iyo sida ay ula macaamili karaan macaamiisha. Nidaamkan, ayay sheegtay, inuu shirkadda ka caawiyay inay hesho shaqaale awood u leh ilaalinta tayada adeegga.