Muqdisho (Dawan)— Carruurta Soomaaliyeed ee dambiyada lagu soo eedeeyo ayaa yeelanaya hannaan cadaaladeed oo u gaar ah, kaddib markii Muqdisho lagu daahfuray Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.
Sharcigan oo ay maanta daahfurtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa loogu talagalay in lagu dhiso nidaam gaar ah oo lagu maareeyo qabashada, haynta, dacweynta, anshax-toosinta iyo ciqaabta da’yarta dambiyada gala.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, sharci-yaqaanno iyo masuuliyiin ka kala socday laamaha garsoorka dalka.
Sharciga cusub wuxuu ku saleysan yahay dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyay sharciyadii hore ee Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ay ka mid ahayd Sharciga Lr. 13 ee 3-dii Maarso 1970, kaas oo dhisay Maxkamadda Da’yarta iyo Dhaqancelinta.
Maxkamado gaar ah oo loogu talagalay da’yarta
Qodobka 8-aad ee sharciga ayaa dhigaya in la sameeyo Maxkamadda Da’yarta, iyadoo maxkamadaha darajada koowaad iyo labaad ay yeelanayaan waaxyo gaar ah oo qaabilsan dacwadaha la xiriira da’yarta.
Waaxyahan ayaa qaadi doona dhammaan dacwadaha khuseeya qof kasta oo da'yar ah.
Sharcigu wuxuu sidoo kale dhigayaa in la sameeyo xarumaha anshax-toosinta da’yarta, kuwaas oo Wasaaradda Cadaaladda ay mas’uul ka tahay, si carruurta dambiyada gasha loogu sameeyo dhaqan-celin iyo daryeel ku habboon da’dooda.