Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya iyo Hindiya ayaa Sabtidii Muqdisho ka bilaabay wada-tashigii ugu horreeyay ee wasaaradaha arrimaha dibadda, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhoweeyay wafdiga Hindiya oo ay hoggaaminaysay Sripriya Ranganathan, oo ah xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.
Wada-tashiga oo soconaya laba maalmood ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo Axadda.