Muqdisho (Dawan) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ayaa go’aansaday inuu qaaddaco wada-hadallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay inay Sabtida ka dhacaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo dalbaday in wada-hadallada ay fududeeyaan koox dhexdhexaadin caalami ah, sida ay Dawan Media u sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Golaha ayaa Afarta Dhinac ee dhexdhexaadinta, oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Turkiga, ku wargeliyay inuu weli diyaar u yahay wada-hadallada, balse uusan ka qaybgeli doonin kulan lagu qabto Villa Soomaaliya, sida ay sheegeen ilahaasi.
Laba garab oo kale oo mucaaradka ah, Isbahaysiga Midnimada Qaranka oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo xisbiga Nabad iyo Nolol oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa habeenkii Jimcaha kulan yeeshay, iyagoo mabda’ ahaan isku raacay inay aqbalaan baaqa madaxweynaha, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah kulanka. Labada dhinac ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo in dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee ay khusayso ay ka qaybgalaan wada-hadallada.