Muqdisho (Dawan) — Isbitaalka Dr. Sumait ee magaalada Muqdisho ayaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah u sameeyay ku dhowaad 300 qof, iyadoo 32 ka mid ah lagu ogaaday inay qabaan cudurka sonkorowga, iyaga oo aan hore uga warqabin xaaladdooda caafimaad. Ololaha oo socday laba maalmood, 13-ka iyo 14-ka Nofeembar, ayaa lagu qabtay munaasabadda Maalinta Sonkorowga Adduunka, oo sannad kasta la xuso 14-ka Nofeembar.
Baaritaannada waxaa sameeyay dhakhaatiir ku takhasusay cudurrada guud, cudurrada qanjirrada iyo hormoonnada, iyo cudurrada indhaha. Dadka laga helay sonkorowga ayaa la siiyay qiimeyn caafimaad, talooyin iyo daaweyn ku habboon xaaladdooda. Isbitaalka ayaa sidoo kale bukaannadaas siiyay kaar xubinnimo oo u oggolaanaya inay helaan qiimo-dhimis dhan 40% oo ku saabsan adeegyada qaybta cudurrada qanjirrada iyo hormoonnada, iyo adeegyada kale ee isbitaalka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Sumait, Cali Faarax, ayaa sheegay in ololaha looga gol lahaa kor u qaadista wacyiga bulshada, dhiirrigelinta ogaanshaha hore ee cudurrada iyo fududeynta helitaanka adeegyo caafimaad oo la awoodi karo.