Jabuuti (Dawan) — Carruur yaryar oo ay qoysaskoodu kala soo carareen colaadda iyo xaaladda adag ee Yemen ayaa gargaar degdeg ah loogu fidiyay magaalada Obock ee waqooyiga Jabuuti, halkaas oo ay ku sii qulqulayaan dad badda ka soo tallaabaya.
Hay’adda SOS Tuulooyinka Carruurta ayaa Axaddii deegaanka gaarsiisay caanaha dhallaanka, dhalooyinka caanaha, xafaayado iyo agabka nadaafadda, si loo daboolo baahiyaha carruurta saacadaha iyo maalmaha ugu horreeya ee ay xeebaha Jabuuti soo gaaraan.
Wafdi uu hoggaaminayay agaasimaha hay’adda ee Jabuuti, Omar Dileita, ayaa booqday goobaha lagu qaabilayo dadka soo gaaraya Obock, si uu u qiimeeyo xaaladda una ogaado baahiyaha ugu daran ee haysta carruurta iyo qoysaska nugul.
Wafdiga ayaa guddoomiyaha gobolka Obock iyo guddoomiyaha golaha deegaanka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta carruurta, gargaarka degdegga ah iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo.
Hay’addu waxay sidoo kale qorsheynaysaa inay Obock ka sameyso goob ammaan ah oo carruurtu ku ciyaaraan, laguna taageero caafimaadkooda maskaxeed, xilli qaarkood ay la kulmeen duruufo adag intii ay ku jireen safarka.