Muqdisho (Dawan) – Ceelkan laga qodayo badda Soomaaliya kuma koobna kaliya hal markab, balse waa nidaam ballaaran oo ay ku lug leeyihiin maraakiib, doonyo, iyo ciidamo si gaar ah loo diyaariyey.
Markabka Çağrı Bey ayaa hadda kusii jeeda ceelka CURAD-1, oo ku yaalla inta u dhexeysa Xarardheere iyo Mareeg ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, isaga oo ku wajahan meel xeebta u jirta in ka badan 250 kiiloomitir, halkaas oo la qorsheynayo in laga qodo mid ka mid ah ceelasha ugu qoto dheer adduunka.
Markabka Çağrı Bey ayaa 15-kii Febraayo kasoo shiraacday Dekedda Mersin ee dalka Turkiga, isagoo soo qaaday sahanno muhiim ah. Wuxuu dalka yimid kadib safar 53 maalmood qaatay, waxaana 10-kii Abriil lagu soo dhaweeyay xaflad ka dhacday Dekedda Muqdisho.
Inkastoo hal markab la arko, haddana qodista noocan ah ma aha shaqo hal shirkad ah oo keliya. Waxaa ka dambeeya isku-dar shirkado caalami ah oo bixiya adeegyo kala duwan—laga bilaabo farsamada, amniga, ilaa sahayda iyo maamulka xogta.
Hawlgalkan waxaa si weyn u taageeraya maraakiib kala duwan, kuwaas oo caawinaya markabka, kuwa qaada shaqaalaha, iyo kuwa sugaya amniga aagga badda. Taasi waxay ka dhigan tahay in shaqada halkan ceel a tahay sida magaalo yar oo badda dhexdeeda ah.


