Jabuuti (Dawan) — Baarlamaanka Jabuuti ayaa 12 hindise sharciyeed oo la xiriira xisaabaadka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda u gudbiyey guddiyadiisa joogtada ah, taas oo qayb ka ah kormeerka sannadlaha ah ee maamulka hantida dadweynaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Go’aankan ayaa Khamiistii, 26-ka Nofeembar, ka soo baxay shir ay yeesheen guddoonnada Golaha Qaranka, kaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Mohamed Dileita.
Kulanka oo loo qabtay si waafaqsan qodobbada 12-aad iyo 21-aad ee xeer-hoosaadka Baarlamaanka, waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Abdoulkader Kamil Mohamed, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Xabsiyada Ali Hassan Bahdon, iyo madaxda guddiyada Baarlamaanka. Dib-u-eegista xisaabaadka sannadka 2025 ayaa diiradda lagu saarayaa hay’ado ka hawlgala qaybaha tamarta, biyaha, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, warbaahinta iyo garsoorka.