Dhuusamareeb (Dawan)– Dhimista maalgelinta gargaarka ayaa sababtay in 233 xarumood oo nafaqo oo ku yaalla Soomaaliya la xiro muddadii 18-ka bilood ahayd ee la soo dhaafay, sida uu Khamiisti sheegay Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Xiritaanka xarumahan ayaa ku dhowaad 1.1 milyan oo carruur, haween iyo gabdho dhallinyaro ah ka hor istaagay helitaanka adeegyada nafaqada ee muhiimka ah.
George Conway oo hadalkan ka jeediyay shir looga hadlayay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegay in sidoo kale la dhimay adeegyada 380 xarumood oo caafimaad iyo kooxo caafimaad oo guurguura.
Tallaabadaasi waxay xaddiday helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee qiyaastii 3.2 milyan oo qof oo nugul. "Haddii aan la helin maalgelin ku filan, waxaa halis ku jira awoodda gurmadka bani’aadannimo ee lagu daboolayo baahiyaha jira, taasoo keeni karta in xaaladdu ka sii darto," ayuu yiri Conway.
Wuxuu sheegay in Qorshaha Gurmadka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadkan uu helay 36% oo kaliya maalgelintii loo baahnaa, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah qorshayaasha gurmadka ee ugu maalgelinta yar gobolka.