Jabuuti (Dawan) — Jabuuti ayaa qaaday tallaabo cusub oo ku aaddan casriyeynta nidaamka kastamka dalka, iyadoo qorsheynaysa hirgelinta madal elektaroonig ah oo mideynaysa adeegyada kastamka, si loo fududeeyo ganacsiga dalalka Afrika, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Maamulka Kastamka Jabuuti ayaa Khamiistii, 26-ka Nofeembar, Qasriga Shacabka ka furay wejiga labaad ee aqoon-is-weydaarsi lagu horumarinayo mashruucan, kaddib kulamadii hordhaca ahaa ee la qabtay bishii Sebtembar. Nidaamka cusub ayaa ganacsatada u saamaxaya inay hal madal oo elektaroonig ah ku dhammaystiraan dhammaan habraacyada la xiriira kastamka, halkii ay adeegyada kala duwan uga raadsan lahaayeen meelo kala duwan.
Maamulka Kastamka, Wasaaradda Ganacsiga, Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo hay’adda CUPIA ee Kuuriyada Koonfureed ayaa la filayaa inay dib u eegaan warbixin laga diyaariyey mashruuca. Warbixinta ayaa lagu qiimeeyey fursadaha uu nidaamku abuuri karo, iyadoo si gaar ah loo tixgeliyey kaalinta istaraatiijiga ah ee Jabuuti ku leedahay ganacsiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.