Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka wareejinaya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uu dowladda Soomaaliya u ballanqaaday dhaqaale xooggan si xilka looga qaado. Wuxuu sheegay in arrintaasi timid kaddib markii uu sannadkii hore si cad uga hadlay saldhigyada ciidan ee Imaaraadku ku leeyahay Boosaaso iyo Berbera.
Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Dood Furan ee Telefishinka Qaranka (SNTV) iyo Radio Muqdisho, kaas oo Khamiistii lagu qabtay masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Mawduuca barnaamijka ayaa ahaa: “Khatar intee le’eg ayay Imaaraadku ku yihiin qarannimada Soomaaliya?” Wuxuu sheegay inuu ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee dowladda ka tirsan ee bishii November ee sannadkii hore Aqalka Sare kaga hadla saldhigyadaas, kaddib su’aal uu weydiiyay senator.
“Markii arrintaasi dhacday, dowladda Imaaraadku waxay dowladdeenna saartay cadaadis xooggan oo ku aaddan in xilka la iga qaado, sababtoo ah waxaan ka dhawaajiyay arrin aan hore loo aqoon,” ayuu yiri Fiqi. “Waxay soo bandhigeen lacag, waxayna ballanqaadeen inay dowladda Soomaaliya siinayaan dhaqaale xooggan, balse ninkaas meesha ha laga wareejiyo,” ayuu intaas ku daray.