Jabuuti (Dawan) – Ciidamada Faransiiska ee ku sugan Jabuuti ayaa Talaadadii u dabaaldegay Maalinta Qaranka Faransiiska, iyagoo qabtay munaasabad ciidan oo lagu muujiyay iskaashiga difaac ee muddada dheer ka dhexeeyay Paris iyo Jabuuti, isla markaana lagu soo bandhigay qalab milatari oo cusub oo dhowaan la howlgeliyay.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay Saldhigga Cirka ee 188, waxaana hoggaaminayay Jeneraal Sébastien Vallette, oo ah taliyaha Ciidamada Faransiiska ee Jabuuti (FFDj). Waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Cumar Cabdi Saciid, Safiirka Faransiiska ee Jabuuti Jérôme Brisson, saraakiil hore, iyo mas’uuliyiin sare oo rayid iyo ciidan isugu jiray oo ka kala socday labada dal.
Bandhigga waxaa ka qeyb qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamada Faransiiska ee ku sugan Jabuuti, kuwaas oo ku hawlgala heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Faransiiska iyo Jabuuti. Cutubyada ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Guutada 5-aad ee Isku-dhafka ah ee Dibadda (5e RIAOM), saldhigga ciidamada badda ee Faransiiska, Saldhigga Cirka ee 188 iyo cutubyo taageero.
Sidoo kale, cutub ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay xafladda maamuuska ciidanka, taasoo muujinaysa iskaashiga dhow ee ka dhexeeya ciidamada labada dal.