Soomaaliya, 2 Maarso 2026(Dawan)– Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa la wareegay laba deegaan oo istiraatiiji ah oo ay maamulayeen Al-Shabaab, kuna yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamadu si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak, kuwaas oo Al-Shabaab u isticmaali jirtay saldhigyo laga soo abaabulo weerarro ka dhaca Muqdisho iyo magaalooyin kale.
Weerarkan oo loogu magac daray “Hillaac” ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo loo yaqaan “Beder”, kaas oo lagu beegay bisha barakaysan ee Ramadaan oo inta badan kooxda Al-Shabaab kordhiso weerarradeeda.
“Goobahani waxay gabaad u ahaayeen horjoogayaal sare iyo xarumo laga soo qorsheeyo weerarrada qaraxyada ah ee lala beegsado dadka rayidka ah,” ayay Wasaaradda Gaashaandhiggu ku sheegtay bayaan ay soo saartay, waxayna raaciday “Dhowr xarumood oo talis iyo bakhaarro hub ah ayaa la burburiyay.”







