Jabuuti, 16 Maarso 2026 (Dawan) — Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee “Hiil Walaal” ayaa maanta oo Isniin ah gaaray bartamaha Soomaaliya si ay ugu biiraan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida uu howlgalku shaaciyay.
Guutada 13-aad ee cusub ayaa ka degtay Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan wareegga shaqadooda. Cutubkan ayaa beddelaya Guutada 11-aad oo dhowaan soo gabagabeysay muddadii ay ka hawlgalayeen magaalooyinka Beledweyne, Dhuusamareeb iyo Buuloburde.
Taliyaha Guutada 13-aad, Axmed Aadan Cabdullaahi, ayaa sheegay in ciidamadu diyaar u yihiin inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka.








