Jabuuti (Dawan) – Ciidanka Booliska Milatariga Jabuuti ayaa shaaciyay inay xalliyeen afar kiis oo la xiriira dambiyada internetka, isla markaana ay xireen afar qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falalkaasi.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti, howlgalladan ayaa qayb ka ah olole wacyigelin ah oo looga hortagayo dambiyada internetka, kaas oo ay bilowday Hay’adda Amniga Internetka ee Jabuuti, iyadoo kaashanaysa hay’ado kala duwan oo uu ka mid yahay Ciidanka Booliska Milatariga.
Qaybta Baarista iyo Diiwaangelinta ee ciidanka (SRD) ayaa muddadii uu ololuhu socday baartay cabashooyin dhowr ah oo la xiriiray dambiyada dhijitaalka ah. Saddex ka mid ah kiisaska la xalliyay ayaa la xiriira baad iyo hanjabaado loo adeegsaday internetka, halka kiiska afraad uu ku saabsan yahay kaydinta iyo faafinta muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhan ah carruurta.