Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi, ayaa 29-kii Oktoobar soo saaray amar mamnuucaya in qof aan ka tirsanayn ciidamada qalabka sida iyo laamaha ammaanka Somaliland uu hub ku dhex sito deegaannada Somaliland.
Taliyaha ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ammaanka lagu amray inay hubka ka qaadaan qof kasta oo aan ka tirsanayn laamaha ammaanka, isaga oo intaa ku daray in haddii qofka hubaysan uu iska caabiyo amarka, ciidamada loo fasaxay inay adeegsadaan awood dil ah.
“Cid aan ka tirsanayn ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo qori sidata lama aqbali doono. Qof kasta oo qori sita oo aan ka tirsanayn ciidamada Booliska, ciidamadu waxay ku amran yihiin inay qoriga ka qaadaan; haddii uu la dagaallamana, inay dilaan,” ayuu yiri Taliyaha Booliska.