Muqdisho (Dawan)— Magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii lagu qabtay munaasabad lagu xusay sannad-guuradii 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo ka dhacday xarunta Safaaradda Turkiga, laguna muujiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Munaasabadda ayaa qayb ka ahayd dabaaldegyada Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo sannad kasta la xuso 29-ka Oktoobar, laguna xusuusto aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1923-kii.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ka qaybgalay munaasabadda, ayaa hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Turkiga, isaga oo bogaadiyay xiriirka labada dal ee ku dhisan is-ixtiraam, walaaltinimo iyo iskaashi dhinacyo badan leh.
Cabdi Xaashi ayaa khudbaddiisa si gaar ah ugu xusay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid sannadkii 2011-kii, xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaar ba'an iyo xaalado amni oo adag.
“Madaxweyne Erdogan, iyadoo la leeyahay Soomaaliya waa meel xun oo aan ammaan ahayn, ayuu Soomaaliya yimid sannadkii 2011-kii. Tan iyo xilligaas, dowladda Turkiga way garab taagnayd Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxa uu sidoo kale Turkiga ku ammaanay doorka uu ka qaatay dib-u-dhiska Soomaaliya, horumarinta hay'adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo sheegay in iskaashiga labada dal uu horseeday mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.