Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay safarkii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu dhowaan ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay weli taageersan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay booqashadii Cirro ee Maraykanka iyo suurtagalnimada in safarkaasi saameyn ku yeesho dadaallada Somaliland ee ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu safro, fiiso u helo Maraykanka, muddo ku joogo, isla markaana uu xiriirro iyo saaxiibtinimo ka sameysto dalkaas. Waxa uu tilmaamay in arrimahaasi yihiin kuwo caadi ah oo aan si toos ah loogu fasiri karin isbeddel ku yimid siyaasadda dowladda Maraykanka.
“Qof walba wuu tegi karaa dalka Maraykanka, wuu heli karaa fiiso, wuxuuna halkaas joogi karaa muddo wanaagsan, sidoo kalena saaxiibbo ayuu ku yeelan karaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada in Washington ay aqbasho codsiga Somaliland ee aqoonsi raadinta, ayuu Xasan Sheekh sheegay in arrintaasi ay muddo dheer taagnayd, balse dowladda Maraykanku aysan waxba ka beddelin mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya.