Hargeysa (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa difaacay go'aankii maamulkiisu uu xafiis safaaradeed uga furtay magaalada Qudus, isagoo sheegay in xafiiska laga dhisay Galbeedka Qudus, isla markaana uusan ku aallin Bariga Qudus ee dhulka lagu muransan yahay.
Isagoo ka hadlayay fadhigii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga talada haya ee Waddani, oo qabsoomay maanta oo Talaado ah, Cirro wuxuu sheegay in Somaliland iyo Israa'iil ay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan xafiisyo diblomaasiyadeed, arrintaas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah xiriirka u dhexeeya labada dhinac.
"Safaaraddii waan furnay, waxaana ka furnay Quddus, Wuxuu ahaa go'aan sax ah, wuxuuna ahaa go'aan aan ka noqosho lahayn." ayuu yiri Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xafiiska laga furay Galbeedka Qudus, isagoo ku dooday in dhulkaas ay dalalka Carabtu u aqoonsan yihiin inuu ka tirsan yahay Israa'iil, halka Bariga Qudus uu ku tilmaamay dhul ay Israa'iil qabsatay intii lagu jiray Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967, isla markaana weli uu yahay dhul lagu muransan yahay.