Washington (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay in xog ay Somaliland ka heshay dhinacyada ay iskaashadaan ay muujineyso iskaashi u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, xilli gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay wajahayaaan xaalad amni oo sii cakirmeysa.
Cirro ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Washington, halkaas oo uu xalay khudbad ka jeediyay machadka Hudson Institute. Wuxuu sheegay in Somaliland aysan dagaal kula jirin Yemen ama kooxaha ka jira dalkaas, balse ay si dhow ula socoto khatar kasta oo ka imaan karta dhanka Yemen.
“Qaar ka mid ah warbixinnada aan ka helno saaxiibbadeenna waxay sheegayaan inuu jiro iskaashi u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta,” ayuu yiri Cirro.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in siyaasadda guud ee Somaliland ay tahay inay nabad kula noolaato dhammaan dalalka deriska ah, oo ay ku jirto Yemen, isagoo xusay in xaaladda Yemen ay ka kooban tahay dhinacyo siyaasadeed iyo ciidan oo kala duwan.
Yemen ayaa muddo dheer wajahaysay dagaal iyo loollan siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda caalamku aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo gacanta ku haya qaybo ballaaran oo dalka ah, gaar ahaan waqooyiga iyo caasimadda Sanca.