Soomaaliya (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka digay in khayraadka shidaalka iyo macdanta ee dalka ay isu beddeli karaan il horseedda xasillooni darro, haddii aan lagu maamulin qaab-dhismeed siyaasadeed iyo mid sharci oo cad.
Qoraal uu maanta oo Sabti ah ku baahiyay baraha bulshada, ayuu Sharmarke ku sheegay in khayraadka dabiiciga ah uu awood u leeyahay kicinta koboca dhaqaalaha, balse uu sidoo kale dhalin karo kala qaybsanaan haddii aan la xallin caqabadaha dhanka maamul-wanaagga.
"Khayraadka shidaalka iyo macdantu waxay yeelan karaan barako, laakiin mararka qaar sidoo kale waxay noqon karaan dhibaato," ayuu yiri Sharmaarke.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ka faa’iidaysiga khayraadka uu ku xiran yahay is-faham siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha masiiriga ah, oo ay ka mid yihiin; Dhammaystirka dastuurka, Sarreynta sharciga, Arrimaha doorashooyinka iyo Siyaasadaha maaraynta khayraadka.
Sharmaarke ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka, oo uu sheegay inay ku eg tahay 14-ka Abriil, isagoo ka digay hubanti la’aanta ku aaddan tallaabooyinka xiga.


