Mareykanka (Dawan) – Saddex qof oo uu ku jiro ilaaliye amni ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo Isniintii ka dhacay Xarunta Islaamiga ah ee San Diego ee dalka Maraykanka, sida ay sheegtay ABC News.
Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarka laga helay iyagoo meyd ah gudaha gaari ku dhow goobta weerarka. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarka loo maleynayo inuu xiriir la lahaa fal naceyb ku saleysan.
Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay ay kamid ahaayeen Amin Cabdullaahi oo ahaa ilaaliyaha ammaanka masaajidka, Mansour Kaziha iyo Nadir Awad, kuwaas oo boolisku sheegay in lagu dilay bannaanka xarunta kadib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan weerarka.
ABC News ayaa sheegtay in baarayaashu ay sidoo kale eegayaan suuragalnimada in weerarka uu xiriir la leeyahay kooxo xagjir ah oo aaminsan fikrado cunsuriyad iyo naceyb diimeed ku saleysan.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tuhmanayaasha oo kala ahaa 17 jir iyo 18 jir ay internetka isku barteen, isla markaana ay lahaayeen “naceyb ballaaran” oo ka dhan ahaa jinsiyado iyo diimo kala duwan.
Booliska ayaa sheegay in tuhmanayaashu ay gudaha u galeen masaajidka kadib rasaas ay isweydaarsadeen ilaaliyaha ammaanka, kaas oo lagu tilmaamay “geesi” kadib markii uu sameeyay iska caabin suurtageliyay in carruur iyo dad kale ay ka badbaadaan weerarka.


