Afar qof oo loo heysto daabacaadda kartoon lagu sawiray Nabi Muuse iyo Nabi Maxamed oo ku jira joornaalka Leman ayaa maanta lagu xiray Turkiga.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa si dhaqso ah u bilaabay baaritaanka ka dib markii joornaalka satiraalka ee Leman uu daabacay sawirradaas, kuwaas oo loo arkay inay ku xadgudbayaan qiyamka diinta.
Sawirkaas oo lagu daabacay daabacaadda 26-ka Juun ee joornaalka Leman, ayaa tilmaamayay dagaalkii u dhaxeeyay Israa'iil iyo Iiraan waxaana lagu sawiray Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato iyo Nabi Muuse oo gacmaha is haya, iyagoo ku sugan magaalo burburay.