Muqdisho (Dawan)– Dagaallada dhowaan ka dhacay Baydhabo iyo agagaarkeeda ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa barakiciyey in ka badan 18,000 oo qof, sida uu Talaadadii sheegay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC). Hay’addu waxay ka digtay in qoysaska barakacay ay hadda wajahayaan roobab culus iyo khatarta daadadka ee la xiriirta El Niño.
ICRC, oo soo xiganaysa xogta Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR), ayaa sheegtay in dagaallada hubaysan ee deegaankaas ay sii xoogeysteen tan iyo bishii Maarso. Waxay intaas ku dartay in arrintani ay khatar ku tahay inay sii xumayso xaaladda bulshooyinka weli ka soo kabanaya saameyntii abaaraha.
“Baydhabo waxay noqotay magaalo cidlo ah. Qoysaskii way carareen iyagoo naftooda u baqaya. Waddooyinku gebi ahaanba way madhnaayeen, waxaadna arki kartay guryo ay burburiyeen hoobiyeyaal,” ayuu yiri Maayoow Maxamed, madaxa xafiiska ICRC ee Baydhabo, isaga oo ka warramaya xaaladdii ka dhalatay dagaalladii dhacay bishii Sebtembar.
Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaannada sida daran ay u saameeyeen cunto-yaridu, sida ay sheegtay ICRC. Gobolka Bay oo keliya waxaa ku nool in ka badan nus milyan oo barakacayaal ah. Ku dhowaad 26,000 oo ka mid ah dadkaas oo ku sugan Baydhabo ayaa wajihi kara cunto-yari daran dhammaadka bisha Diseembar, sida ay sheegeen khubarada Habka Kala-saaridda Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC).
ICRC ayaa sheegtay in colaadda iyo amni-darradu ay sannadkan ahaayeen sababaha ugu waaweyn ee barakaca ka dhacay gobolka Bay. Intii u dhexeysay bilihii Luulyo iyo Sebtembar, dagaallo cusub ayaa sababay ku dhowaad kala bar dhammaan barakaca la xiriira colaadaha ee Soomaaliya. Magaalooyinka gobolka ayaa sannadihii u dambeeyey la kulmay heer rabshado ah oo aan horay loo arag.