Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa daah-furay mashruuc ballaaran oo guryo bulsho ah oo ka kooban in ka badan 1,000 guri iyo qorshe lagu dhisayo magaalo cusub, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay boggiisa Facebook.
Mashruucan waxaa ka mid ah 520 guri oo min saddex qol ah oo laga hirgeliyay aagga PK13 ee degmada Balbala, kuwaas oo lagu dhisay taageerada Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana loogu talagalay muwaadiniinta aan lahayn guri ama dhul u gaar ah.
Guryahan oo ay dowladdu leedahay ayaa ka mid ah diiwaanka guryaha bulsho, waxaana loogu talagalay qoysaska aan hore u lahayn hanti guriyeed. Dhismaha mashruuca ayaa ka kooban 26 dhisme, kuwaas oo leh goobo bannaan oo loogu talagalay ciyaarta carruurta iyo nasashada bulshada.
