Jigjiga (Dawan) – Kumannaan qof ayaa 19-kii Sebtember isugu soo baxay wadooyinka magaalada Jigjiga si ay u dabaal-degaan dhammaystirka iyo daah-furka Biyo-xireenka Abay, oo ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee koronto-dhalinta qaaradda Afrika.
Isku soo baxa ayaa hal ku dhig looga dhigay: “Sidaan ugu guulaysanay biyo-xireenka Abay ayaan ugu guulaysanaynaa warshadaha iyo isticmaalka shidaalka”, taasoo muujineysa farxadda shacabka ee ku aaddan mashruuca la dhameystiray. Dabaal-degga waxaa qeyb ka ahaa ciyaaro dhaqameed iyo bandhigyo madadaalo oo lagu soo bandhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada.
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa mashruuca ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horumarineed.
“Mashruucaasi wuxuu wax weyn ka beddelayaa nolosha dadka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan kuwa saboolka ah. Waxay kor u qaadi doontaa dhaqaalaha dalka iyadoo kordhinaysa tamarta, isla markaana soo hoyn doonta lacagta dalka u baahan yahay. Waxa kale ee uu kor u qaadaya kaalinta Itoobiya ee Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.
Shacabka Jigjiga ayaa tilmaamay in mashruucan astaan u yahay midnimada iyo iskaashiga bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya.
“Webiga abaay Waa Xoriyaddii 2aad ee ku xigtay tii laga guuleystay gumeystihii caddaanka ahaa maantana waxa laga guuleystay kii amaahda iyo gaajada iyo baryada ay itoobiya ka baxday” ayuu yiri Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Dool.
Idman, oo ah ardayad dhigata dugsiga sare, ayaa sheegtay: “Waxaan rajeynayaa in mashruucani uu faa’iido badan iyo dakhli soo galiyo dalka. Waxa ay soo kordhinaysaa koronto loo gudbiyo dalalka dariska ah, waan u soo dadaalnay inaan heerkan gaarno.” Ayay tiri Idman.
Biyo-xidheenka Abay ayaa si rasmi ah loo daah-furay 9 Sebtember 2025, iyadoo weli ay Sudaan iyo Masar ka muujinayaan walaac ku saabsan yaraanta qulqulka biyaha Wabiga Niil ku imaan kara. Mashruucan ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay tiirka ugu muhiimsan ee himilada Itoobiya ee horumarinta dhaqaalaha, kordhinta dhoofinta, iyo xoojinta wax-soosaarka beeraha.