Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad dhaqaale oo muhiim ah, iyadoo la filayo in deeqaha dibadda ay si weyn hoos ugu dhacaan sannadaha soo socda. Dowladda oo u baahan dhaqaale ay ku maalgeliso waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga ayaa raadineysa sidii ay u kordhin lahayd dakhliga gudaha, isla markaana u ilaalin lahayd awoodda dhaqaale ee shacabka.
Sannado badan oo ay dalka ka jireen xasillooni-darro iyo dhaqaale xumi kaddib, Soomaaliya waxay horumar ka sameysay soo celinta xasilloonida maaliyadeed iyo ka mira dhalinta hannaanka cafinta deynta. Hase yeeshee, dakhliga gudaha ee dowladda ayaa weli hooseeya marka loo eego baahiyaha horumarineed ee dalka.
Warbixinta Bangiga Adduunka ee Dib-u-eegista Maaliyadda Dadweynaha Soomaaliya 2026: Marxaladda Xigta ee Maaliyadda Dadweynaha ayaa falanqeyneysa sida Soomaaliya u maalgelin karto mudnaanteeda horumarineed xilli taageerada dibaddu ay sii yaraanayso. Warbixintu waxay xoogga saaraysaa saddex arrimood oo muhiim ah: kordhinta dakhliga gudaha, hagaajinta waxtarka kharashaadka dowladda iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Intii lagu jiray kulan hordhac ah oo warbixinta lagu soo bandhigayay, dhaqaaleyahanka sare ee Bangiga Adduunka, Stella Ilieva, ayaa sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay nidaam maaliyadeed oo ku dhisan kheyraadka gudaha, hay’ado awood leh iyo wada-shaqeyn wanaagsan oo dhex marta heerarka kala duwan ee dowladda.
Warbixintu waxay saadaalisay in deeqaha dibaddu ay hoos uga dhici karaan qiyaastii 5% ee wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), iyagoo ka yaraan kara 1% marka la gaaro sannadka 2030. Dhanka kale, dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 ahaa 6.3% marka loo eego GDP-ga, halka dalalka la midka ah uu celcelis ahaan gaarayay 15% ilaa 17%.
Farqigaasi wuxuu muujinayaa baaxadda caqabadda hortaalla dowladda. Dakhliga kooban wuxuu xaddidayaa awoodda lagu ballaarin karo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, laguna xoojin karo barnaamijyada ilaalinta bulshada iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Cadaadiska dhaqaale ayaa sidoo kale saameynaya qoysaska. Qiimeyn uu Bangiga Adduunku ku sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka digtay in hoos u dhaca gargaarka, abaaraha iyo kororka maciishaddu ay sii adkeynayaan nolosha bulshada. Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee May 2026 ayaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha dalka uu sannadkii 2025 ahaa qiyaastii 3%, marka loo eego ku dhowaad 4% sannadihii 2023 iyo 2024.
Sidaas darteed, dowladda waxaa hortaalla hawl laba dhinac leh: inay hesho dhaqaale ku filan oo ay ku sii waddo adeegyada muhiimka ah, isla markaana ay ka fogaato tallaabooyin canshuureed oo sii kordhiya kharashaadka nolosha shacabka.
Mid ka mid ah fursadaha lagu dabooli karo farqiga dhaqaale waa amaahda, balse Ilieva ayaa ka digtay in Soomaaliya ay amaahda ku qaadato oo keliya shuruudo fudud oo mudnaan leh, iyadoo ilaalinaysa xadad deyn oo taxaddar leh.
Soomaaliya ayaa bishii Diseembar 2023 gaartay heerkii ugu dambeeyay ee Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Badan lagu leeyahay (HIPC), taas oo dalka u suurtagelisay in laga cafiyo qayb weyn oo ka mid ah deyntii lagu lahaa. Si kastaba ha ahaate, cafinta deyntu kama dhigna in dalka uu ka maarmay maareyn taxaddar leh oo ku saabsan deymaha cusub.
Ilieva ayaa ka digtay in dalalka deynta laga cafiyo ay mar kale geli karaan xaalad deyn oo aan joogta ahayn haddii ay qaataan amaah aan si wanaagsan loo qorsheyn. Waxay ku adkaysatay in deeqaha dibadda mudnaan la siiyo marka ay suurtagal tahay, halka amaahda lagu saleeyo kharashkeeda, shuruudaha dib-u-bixinta iyo ujeeddada loo adeegsanayo.
“Deynta waa in loo qaataa oo keliya ujeeddooyin wax-soo-saar leh,” ayay tiri, iyadoo tusaale u soo qaadatay maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Maalgelinta mashaariicda waaweyn ee wax-soo-saarka leh waxay abuuri kartaa dhaqdhaqaaq dhaqaale iyo dakhli mustaqbalka, halka amaahda lagu daboolo kharashaadka joogtada ah, sida mushaaraadka, ay dowladda ku reebi karto waajibaad dib-u-bixin iyada oo aan la helin il dakhli oo u dhiganta.