Jabuuti (Dawan) – Wasiirka Isgaarsiinta Jabuuti, Maxamed Cabdulqaadir Muuse Xeelan ayaa Axaddii ku baaqay in la dardargeliyo fulinta laba mashruuc oo dhijitaal ah oo uu maalgeliyay Bangiga Adduunka, kuwaas oo ku kacaya $30 milyan, isagoo carrabka ku adkeeyay in maalgashi kasta laga doonayo inuu keeno natiijooyin la taaban karo.
Wasiirka Isgaarsiinta ee ay hoos yimaadaan Boostada iyo Isgaarsiintu, ayaa guddoomiyay shirarka guddiyada hagidda ee Mashruuca Aasaaska Dhijitaalka ee Jabuuti (DFN) iyo Barnaamijka Isku-xirka Dhijitaalka ee Gobolka Bariga Afrika (EARDIP), sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda ee ADI.
“Waa inaan dardargelinnaa fulinta hawlaha haray, meesha ka saarnaa caqabadaha, hubinnaana in maalgashi kastaa uu keeno natiijooyin la taaban karo,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu hay’adaha iyo saaxiibbada ku hawlan fulinta mashaariicda ugu baaqay inay si dhow ula socdaan talooyinka lagu ansixiyay shirarka. Labada mashruuc waxaa maalgeliyay Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), oo ah sanduuqa Bangiga Adduunka ee taageera dalalka ugu saboolsan. Mashruuca DFN waxaa loo qoondeeyay $10 milyan, halka EARDIP uu ku kacayo $20 milyan.
Xaawo Yuusuf Kayad, oo ah isku-duwaha labada mashruuc, ayaa sheegtay in la dhammeeyay 26 ka mid ah 35-ka hawlood ee Mashruuca DFN. Waxay sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 80% kheyraadka mashruuca loo qoondeeyay, halka 56% lacagta la bixiyay.