Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya oo 4-tii Maarso 2024 si rasmi ah xubin buuxda uga noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa heshay fursad ay kaga qayb qaadato suuqa ballaaran ee gobolka, kaas oo ay ku mideysan yihiin dalal ay ka mid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo Uganda.
Xubinnimadan ayaa Soomaaliya u sahli karta inay ballaariso ganacsiga, soo jiidato maalgashi, isla markaana ay fududeyso isu-socodka badeecadaha, adeegyada, raasumaalka iyo dadka. Dalka oo leh xeeb dheer oo ku teedsan Badweynta Hindiya, kheyraad kalluumeysi, xoolo nool, dhul beereed, dekedo iyo ganacsiyo gaar loo leeyahay, ayaa leh fursado dhaqaale oo uu kaga faa’iidaysan karo isdhexgalka gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, xubinnimada EAC keligeed ma dammaanad qaadeyso in Soomaaliya ay hesho faa’iidooyinkaas. Waxaa loo baahan yahay qorshe dhaqaale oo suurtageliya in fursadaha suuqa loo beddelo wax-soo-saar gudaha ah, shaqooyin iyo dakhli dowladeed oo kordha.
Dib-u-eegista Maaliyadda Dadweynaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka ee 2026 ayaa muujisay in dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya uu sannadkii 2025 ahaa 6.3% marka loo eego wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), halka dalalka kale ee la midka ah uu gaarayay 15% ilaa 17%.
Tani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay weli si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha dibadda laga keeno iyo dhaqaalaha dibadda ka yimaada, isla markaana ay jiraan caqabado la xiriira maamulka canshuuraha, awoodda hay’adaha dowladda iyo isku-duwidda heerarka kala duwan ee dowladda.
Qiimeyn uu Bangiga Adduunku sameeyay sannadkii 2025 oo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa tilmaantay in xubinnimadu ay dalka u horseedi karto suuqyo ballaaran, hoos u dhigidda kharashaadka ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka. Hase yeeshee, si fursadahaas looga faa’iidaysto, waxaa lagama maarmaan ah in la waafajiyo shuruucda iyo xeerarka dalka kuwa EAC, lana xoojiyo hay’adaha iyo isku-duwidda dowladda.
Mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee ay tahay in Soomaaliya xoogga saarto waa maamulka kastamyada iyo ururinta canshuuraha. Isbeddellada ku yimaadda Canshuuraha Guud ee Dibadda (Common External Tariff) ee EAC waxay saamayn ku yeelan karaan canshuuraha laga qaado badeecadaha dalka la soo geliyo.