Jigjiga (Dawan) – Mas’uuliyiin ka socday dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa Arbacadii ku kulmay magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, si ay uga wada hadlaan xalalka gobolka ee la xiriira barakaca khasabka ah iyo isdhexgalka bulshooyinka barakacay ee magaalooyinka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Shirkan oo soconaya saddex maalmood, waxaa ka qeyb galay duqyada magaalooyinka, maamullada gobollada, hay’adaha qaxootiga iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Geeska Afrika.
Wakaaladda ayaa sheegtay in kulanka ay soo qabanqaabiyeen IGAD, Cities Alliance, Midowga Yurub, UNOPS iyo dowladda Itoobiya.
Ka qeybgalayaasha ayaa la filayaa inay is dhaafsadaan khibrado iyo xalal waara oo la xiriira caqabadaha barakaca, kororka magaalooyinka iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah.
Sida ay sheegeen IGAD iyo hay’adaha bani’aadannimo ee gobolka, in ka badan 22 milyan oo qof ayaa bartamihii sanadka 2025 ku noolaa xaalado barakac khasab ah oo ka jira qaybo ka mid ah Geeska Afrika, kuwaas oo ay ku jiraan ku dhowaad 17 milyan oo qof oo gudaha dalalkooda ku barakacay.
Gobolka ayaa sidoo kale hoy u ah malaayiin qaxooti iyo magangalyo-doon ah, iyadoo colaadaha, abaarta iyo culeysyada dhaqaale ay sii kordhinayaan barakaca dalalka Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.
Wafdi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Cali-Sabiix Cabdimaalik Maxamed Baanoita ayaa ka qeyb galay kulanka, iyadoo ay wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka socday Tadjourah, Obock iyo hay’adda qaxootiga Jabuuti ee ONARS, sida ay ADI sheegtay.


