Muqdisho (Dawan) — Warbaahinta DAWAN Media Group ayaa ku guuleysatay abaalmarin warbaahineed oo lagu aqoonsaday dadaalkeeda iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay tabinta Shirka Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Guddiga qabanqaabada shirka ayaa DAWAN Media Group guddoonsiiyay abaalmarinta intii lagu guda jiray munaasabaddii xiritaanka shirka, oo la soo gabagabeeyay Talaadadii, 14-ka Oktoobar 2026. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hawlihii warbaahineed ee ay DAWAN ka qabatay shirka iyo sida ballaaran ee ay bulshada ugu gudbisay xogta iyo dhacdooyinka muhiimka ah.
Intii uu shirku socday, DAWAN Media Group waxay tabinta ku baahisay saddex luuqadood oo kala ah Soomaaliga, English iyo Carabi, taas oo suurtagelisay in xogta shirka ay gaarto dhagaystayaal iyo daawadayaal kala duwan.