Copenhagen (Dawan) — Orodyahanka Eritrea Dawit Seare ayaa Sabtidii ku guuleystay orodka ragga ee 5 KM ee Tartanka Orodka Waddooyinka Adduunka, isagoo dhigay rikoor qaran oo cusub. Seare ayaa tartanka ku dhammeeyay 12 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi, kaddib markii uu qeybtii ugu dambeysay ka hormaray orodyahanka Norway Jakob Ingebrigtsen.
Ingebrigtsen ayaa ku guuleystay billadda qalinka, isagoo orodka ku dhammaystay 12 daqiiqo iyo 59 ilbiriqsi, taas oo sidoo kale noqotay rikoor cusub oo Norway ah.
Eritrea ayaa billad labaad heshay markii Saymon Amanuel uu kaalinta saddexaad ku galay 13 daqiiqo, isagoo dhigay waqtigiisii ugu fiicnaa.