Mogadishu, 03 November 2025 (Dawan) — Dekedda Muqdisho ayaa shaacisay in bisha Oktoobar ay noqday bishii ugu wax-soosaarka sarreysay sanadkan, iyadoo gaartay heerarkii ugu sareeyay ee dhanka maaraynta badeecadaha iyo dakhliga dekedda sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka Dekadda.
Bishan, dekeddu waxay diiwaangelisay 15,647 TEUs oo konteenarro ah iyo 120,787 tan oo badeecooyin bagaash ah, taas oo ay maamulka dekadda u arkaan guul muhiim ah oo ka tarjumaysa hufnaan shaqo, kororka awoodda maamulka, iyo dadaalka shaqaalaha dekedda.
Agaasimaha dekadda Maxamed Ali Nur Ameriko ayaa sheegay in guushaan ay ku timaaday dadaalka shaqaalaha iyo hufnaanta howlaha ka socda dekadda.
“Guushan taariikhiga ah waxay muujineysaa howlkarnimada, nidaamka, iyo midnimada shaqaalaha dekadda Muqdisho.,” ayuu yiri Maxamed Ali Nur Ameriko oo ah agaasimaha guud ee dakadda.
Warbixintaan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii dekadda Muqdisho ay kaalinta 1-aad ka soo gashay dekadaha Bariga africa halka ay kaalinta afaraad ka gashay guud ahaan qaaradda Africa.
Dekedda Muqdisho waxaa maamula Alport Mogadishu, oo hoos timaadda shirkada Albayrak ee dalka Turkiga. Shirkaddan ayaa tan iyo 2014-kii ayaa gacanta ku heysay howlaha maamulka iyo casriyeynta dekadda.



