Boosaaso (Dawan) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in horumarinta goobaha dalxiiska iyo nasashada ay qeyb ka qaadan karto soo jiidashada qurbo-joogta dib ugu soo laabanaysa dalka, haddii la diyaariyo adeegyo iyo xarumo ku habboon.
Deni ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu xarigga uga jaray Beerta Dalxiiska ee Baalade, oo ah goob cusub oo dalxiis iyo nasasho ah oo laga hirgeliyay magaalada.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ganacsatada Puntland ee maalgashiga ku sameynaya dalkooda, isagoo sheegay in mashaariicda noocan ah ay muujinayaan suurtagalnimada in gudaha dalka laga abuuro fursado dhaqaale, adeegyo madadaalo, iyo goobo soo jiita dadka deegaanka iyo qurbo-joogta.


