Soomaaliya, 25 October 2025 — Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in aysan marnaba aqbaleyn in dalka laga saaro sharciga iyo qawaaniinta lagu heshiiyey ee salka u ah nidaamka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta Garoowe ka furay kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, ayaa sheegay in Puntland aysan aqbaleyn in Soomaaliya gasho firaaq sharci iyo mid hoggaamineed.
“Dowladda Puntland marna kama aqbali doonto in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee Federaalka Soomaaliya, uu ugu horrayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah, Mana sii fiirsan doonto inuu dalku galo firaaq sharci iyo hoggaamineed” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland si buuxda u taageerayso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo dhowaan lagu dhawaaqay magaalada Nairobi, kana kooban xubno ka tirsan mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Wuxuu sheegay in golahaasi uu qaato masuuliyadda ilaalinta iyo badbaadinta mustaqbalka dalka.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha mustaqbalka Soomaaliya inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya looga bixi lahaa hubanti la’aanta amni iyo jahwareerka siyaasadeed,” ayuu raaciyay Madaxweyne Deni.
Puntland ayaa muddo dheer ka soo horjeedda isbedellada lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, kuwaas oo ay ku tilmaamtay kuwo aan lagu dhisin heshiis qaran oo loo dhan yahay. Sidoo kale, xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid khilaaf iyo is-marinwaaga siyaasadeed hareeyay.




