Dhoobley (Dawan) — Ciidamada Booliska Jubbaland, gaar ahaan kuwa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta gacanta ku dhigay afar dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay tahriib, kuwaas oo la sheegay inay kasoo safreen magaalada Muqdisho, iyagoo doonayay inay uga sii gudbaan gudaha Kenya, si halkaas ay uga sii aadaan dalka Liibiya.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, dhallinyaradan ayaa lagu qabtay barkontoroolka laga soo galo magaalada Dhoobley, kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen dhaq-dhaqaaqooda iyo inaysan haysan cid damiin ka noqota joogitaankooda magaalada.
Booliska ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyay kooxdaasi lagu ogaaday inay qorsheynayeen tahriib sharci darro ah oo ay uga gudbayaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaadiidkii kasoo qaaday Muqdisho iyo qaar kamid ah dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin shabakadaha tahriibinta dadka.


