Baydhabo (Dawan) – Afhayeenka Booliska Gobolka Baay, Maxamed Keerow, ayaa warbaahinta la wadaagay amarro amni oo ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo, kuwaas oo lagu xoojinayo sugidda amniga doorashada la qorsheeyay inay berri ka dhacdo magaalada.
Afhayeenka ayaa sheegay in shir ay yeesheen hay’adaha ammaanka gobolka, oo uu shir guddoominayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay, Sadiiq Aadan Cali, looga hadlay xaaladda amniga iyo habsami u socodka doorashooyinka.
Amarrada la soo saaray waxaa ka mid ah in la mamnuucay dhaqdhaqaaqa ciidamada hubeysan iyo gaadiidka hubka lagu dhex wato gudaha magaalada iyo agagaarka goobaha doorashada, marka laga reebo ciidamada sida rasmiga ah loogu xilsaaray sugidda amniga goobaha codbixinta.


