Muqdisho (Dawan)- Jaamacadda SIMAD ayaa dhagax-dhigtay dhismaha cusub ee Machadka Garaadka Gacmeed (SIMAD AI Institute). Dhismahan ayaa martigelin doona Xarunta Qaran ee Garaadka Gacmeed ee Soomaaliya (National AI Hub), oo ay ku midoobayaan afar jaamacadood oo dalka ah.
Dhagax-dhigga waxaa si wadajir ah u sameeyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali (Maxamed Soomaali), iyo Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Mudane Cabdikariin Muxudiin Axmed.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay madax ka socotay jaamacadaha Jamhuuriya, Zamzam iyo Ummadda, kuwaas oo SIMAD kala shaqaynaya hirgelinta ajandaha qaran ee garaadka gacmeed. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday Premier Bank, hay’adda Direct Aid, shirkadda dhismaha ee Hadiid Group iyo wafdi ka yimid Maraykanka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa sheegay in xaruntani ay qayb ka tahay qorshaha wasaaradda ee jaamacadaha dalka loogu qaybinaayo martigelinta barnaamijyada teknoolajiyadda qaranka.
“Jaamacadda SIMAD waxaan rabnaa inay noo martigeliso xarunta AI-da. Jaamacadaha kale ee teknoolajiyada ka shaqeeyana waxaan rabnaa inay sidaas oo kale isu diyaariyaan,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in mid ka mid ah ujeeddooyinka xaruntu uu yahay in nidaamyada iyo robot-yada halkaas lagu samayn doono ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan Af-Soomaaliga.
“Waxaan ka rajaynaynaa robot-yada halkan lagu samayn doono inay Af-Soomaaliga si fiican u adeegsadaan, si dadka Soomaaliyeed ay wax ugu fahmaan luqaddooda,” ayuu yiri.