Jabuuti (Dawan)– Jabuuti ayaa Khamiistii xeebta Héron ee magaalada Jabuuti ka daahfurtay bandhiggii ugu horreeyay ee xeebaha, kaas oo isu keenaya dhaqanka, isboortiga, dalxiiska iyo ganacsiga, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Jabuuti ee ADI.
Munaasabadda furitaanka waxaa guddoominayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Orbis Helaf Orbis, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan dowladda, Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah, iyo Guddoomiyaha Gobolka Magaalada Jabuuti, Cabdi Xasan Axmed, sida ay ADI werisay.
Bandhigga oo soconaya saddex maalmood, hal-ku-dheggiisuna yahay “Djibouti Blue Generation”, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo xeebaha Jabuuti iyo kartida dhallinyarada. Barnaamijka bandhigga waxaa ku jira hawlo la xiriira dhaqanka, isboortiga iyo dhaqaalaha oo ka dhacaya goobta xeebta, sida ay sheegtay wakaaladdu.